4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2014
Dowladda Maraykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay Soomaaliya

Sabti, Febaraayo 08, 2014 (HOL) — Dowladda Maraykanka ayaa digniin usoo jeedisey muwaadiniinteeda ku sugan dalka Soomaaliya iyo weliba kuwa xilligan doonaya inay usoo safraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay jiraan khataro badan oo muwaadiniinta Maraykanka ah Soomaaliya kasoo wajihi kara.

Dadka Maraykanka u dhashay ee Soomaaliya jooga ayaa looga digey inay tagaan xarumaha dowladda iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, digniin taas lamid ah waxaa sidoo kale loo jeediyey kuwa qorsheynaya in ay xilligan Soomaaliya u safraan.

Maraakiibta Maraykanka ayaa iyagana looga digey inaysan marin biyaha Soomaaliya, haddiise ay ka fursan waayaan waxaa loosoo jeediyey fikir ah inay koox koox isu raacaan si joogta ahna u kala war qaataan.

Digniintan ayaa xoojineysa mid iyada lamid ah oo June 21, 2013, ay dowladda Maraykanku u jeedisey muwaadiniinteeda Soomaaliya ku sugan iyo kuwa doonaya inay usoo safraan.

Warka kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa imaanaya xilli bilihii u dambeeyey ammaanka guud ee dalku uu soo hagaagayey, islamarkaana ay weerarradii burcad-badeedku si aad ah hoos ugu dhaceen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya