4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
Madaxweyne Xasan: “C/risaaq wuxuu ahaa Libaaxii Soomaaliya”


Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qaybgalay aaskii qaran ee loo sameeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminayay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan, ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, hoggaamiyaha Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam, wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kala duwan.

“Maanta waxaan EEBBE u baryaynaa mid ka mid ah geesiyaasheenna. Cabdirisaq Xaaji Xuseen; waxuu ahaa nin aad noogu weyn oo waddani ah. Wuxuuna tusaale u yahay Soomaalida oo dhan una baahan in lagu daydo si aan dalka dib ugu dhisno. Haddii uu jirto cashar aan ka baran karno waxaa ka mid ah sidii uu ugu dadaali jiray midnimada ummadda Soomaaliyeed. Shaki kuma jiro haddii aan gacmaha is wada-qabsano inaan wax badan oo guulo ah gaari karno. Waana inaan midownaa oo aan ka gudubnaa sanooyin badan oo khilaaf ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay guulihii Cabdirisaaa Xaaji Xuseen ayaa mar kale yiri: “Cabdirisaaq wuxuu ahaa shaqsi u istaagay cirib-tirka musuqmaasuqa una is-taagay horumarinta maamul-wanaagga iyo inuu u adeego shacabka Soomaaliyeed, tanoo ah mid aan tusaale ka dhigan karno oo aan kaga dayan karno dadaalkii uu sameeyay. Waana inaan ku wada xasuusanaanno ayna tusaale noo wada noqdaan bacdamaa uu geeriyooday, laakiin taariikhdiisii fiicnayd wey nala joogtaa oo ma hilmaamayno.“

Masaajidka isbaheysiga islaamka ayaa lagula tukaday salaaddii janaasida iyadoo intaa kaddibna maydka C/risaaq lagu aasay deegaanka Ceel Cirfiid ee duleedka Muqdisho, iyadoo lagu ag-aasay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum Aadan Cabdulle Cismaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya