4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo lagu aasay duleedka Muqdisho (SAWIRRO)


Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Mareykanka ayaa maanta lagu aasay duleedka magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Aaska marxuumka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-cirfiid ee duleedka Muqdisho, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay, waxaana goobta aaska ka hadlay Xasan Sheekh Maxamuud, gabar uu dhalay marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen iyo xubno kale.

“Waxaan Alle uga baryayaa in Aabbahay uu u naxariisto, waxaana u mahad-celiyaa dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga oo dadaal u galay sidii Aabbahay loogu aasi lahaa dalkiisii hooyo,” ayay tiri Ubax C/risaaq Xaaji Xuseen oo goobta aaska ka hadashay.

Sidoo kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa xubnihii maydka kasoo raacay dalka Mareykanka ayaa sheegay in marxuum C/risaaq uu ahaa ra’iisul wasaarihii runta ahaa ee Soomaaliya soo mara, isagoo u mahad-celiyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay sugayeen ammaanka intii aasku socday.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo aaska ka hadlay ayaa isna sheegay in marxuum C/risaaq uu ahaa mas’uul dadaal u weyn u soo galay Soomaaliya, wuxuuna ahaa mas’uul taariikh weyn kaga tahay Soomaaliya.

“Maanta waa maalin tacsi ah oo aan u duceynayno Allena uga baryayo in marxuum C/risaaq uu jannadiisii ka waraabiyo, aaskiisa wuxuu isku keenay dad badan oo aan qaarkood dalka imaan muddo 20-sano ka badan,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo sii hadlay ayaa sheegay in tusaale laga dhigto howshii uu dalka u soo qabtay marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen, isagoo xusay in Soomaalidu ay ka tashato sidii dalka loo mideyn lahaa loona sugi lahaa ammaankiisa.

Mas’uuliyiintii ka qayb-galay aaska marxuumka ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) madaxweyanaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, hoggaamiyaha Jubba, Sh. Axmed Madoobe, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale oo fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya