4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
BAYDHABO: askari booliska ka tirsan oo wiil dhallinyaro ah toogtay

Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Wiil dhallinyaro ah oo arday ahaa ayaa xalay lagu diley magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dilka wiilkan ayaa waxaa geystey askari ka tirsan ciidamada booliska ee degmada Baydhabo.

Mahad C/raxmaan oo ah taliyaha booliska gobolka Baay ayaa ka warbixiyey dilkan iyo weliba sababta keentay, wuxuuna sheegay in falkani uu ku dhacay si kama' ah, maadaama askariga dilka geystey uu ka shekiyey ninka dhallinyarada ah.

“askarigu wuxuu rasaasta furay kaddib markii uu ka shekiyey in ninka dhallinyarada ah ee la diley uu ka tirsanaa Al-shabaab, haseyeeshee markii dambe ayaa la ogooday inay wax khaldameen…” taliyaha booliska gobolka Baay ayaa sidaas yiri.

Qaraabada wiilka la diley ayaa HOL u sheegay in dilku aanu ahayn mid si khalad ah ku dhacay, balse askariga wax diley iyo dhibbanuhu ay ku murmeen shirka maamul u sameynta gobollada koonfur-galbeed ee degmada Baydhabo ka socda, dabadeedna uu si bareer ah xabbad ugu dhuftay.

Askariga dilka geystey ayaa isla xalay xabsiga loo taxaabay, waxaana saraakiil booliska degmada Baydhabo ka tirsani ay sheegeen inay arrintan si fiican u baaryaaan.

Hiiraan Online, Baydhabo.