4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
Ra'iisul wasaare C/weli oo xalay shir la qaatay madax-dhaqameed
Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa xalay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, wuxuu kulan gaar ah kula qaatay isimmo iyo madax-dhaqameed Muqdisho u tegey sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen aaska ra’iisul wasaarihii hore ee dalka C/risaaq Xaaji Xuseen –AHN- oo maanta magaalada Muqdisho lagu aasayo.

Kulanka ra’iisul wasaaraha iyo odoayaasha oo arrimo dhowr ah layskula soo qaaday, waxaa qodobbadii sida fiican diiradda loogu saaray kamid ahaa: sidii ay madaxda dhaqanku si joogta ah ugula shaqeyn lahaayeen dowladda federaalka iyo maamullada kale ee dalka ka jira iyo weliba kaalinta kaga aaddan sidii loo xoojin lahaa is-dhex-galka bulshada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in doorka odayaasha dhaqanku uu yahay mid aan layska indho tiri Karin, maadaama ay iyagu udub dhexaad u ahaayeen qorshaha ay ku timid dowladda rasmiga ah ee maanta Soomaaliya ka jirta.

Sidoo kale muddadii uu dalku burburka ku jirey, ayuu ra’iisul wasaaruhu tilmaamay in hoggaamiyeyaasha dhaqanku ay ahaayeen kuwa xalliya khilaaf kasta oo yimaada, la’aantooda aan laga soo gudbeen dhibaatooyin badan oo horay Soomaaliya uga dhacay.

Odayaasha ayaa soo dhoweeyey fikirka uu ra’iisul wasaaruhu ula yimid, waxayna ballan qaadeen inay sii laban laabi doonaan shaqadii ay horay u hayeen, iyagoo tilmaamay in hadafkooda ugu weyni uu yahay in la helo Soomaaliya oo mideysan nabad iyo barwaaqana ku caano maasha.

Madaxda dhaqanka ee xalay uu ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ku qaabilay, waxay badankoodu ka yimaadeen Puntland, gobollada dhexe iyo Jubbooyinka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya