4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
Meydka Ra'iisul wasaarihii hore oo saaka Muqdisho laga soo dejiyey

Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Meydka -AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya ra'iisul wasaare kasoo noqday intii u dhexeysey 1964 ilaa 1967, ayaa goor dhow laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Meydka oo shalay laga soo qaaday magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, lana soo marsiiyey dhowr dal ooTurkigu uu kamid yahay, waxaa xilligii lasoo dejinayey garoonka ku sugnaa mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale, waxaa garoonka ku sugnaa wufuud tira badan oo kala yimid dalka iyo dibaddiisaba, wufuuddaas oo isugu jira: diblumaasiyiin caalamka ka socda, madax-dhaqameed, ehelada marxuumka  iyo shaqsiyaad caan ah.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa meydka kasoo dejiyey diyaaraddii lagu keenay, waxayna siiyeen salaan sharaf. Intaas kaddib waxaa meydka lagu tukaday salaaddda jinaasada.

Saacadaha soo socda ayaa meydka marxuumka lagu aasi doonaa xabaalaha Ceel-cirfiid, halkaas oo sannadkii 2007, sidan oo kale loogu aasay madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan munaasabadda aaska iyo sawirradaba, dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa; haddii uu Eebe oggolaado.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya