3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
MUQDISHO: Shirkadda Hormuud oo jartay adeeggii internetka ee 3G

Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ka jartay maanta Muqdihso adeeggii Internet-ka taleefoonka, kaddib go’aan horay uga soo baxay Al-shabaab, kaasoo ahaa in la joojiyo adeeggan.

Inkastoo shirkadda Hormuud ay adeeggan ka jartay qaybo ka mid ah deegaannada ay Al-shabaab ka taliso ayaa haddana waxay tani u muuqanaysaa in cadaadis lagu saaray inay ka jirto deegaannada ay dowladdu ka taliso.

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku haysa dowladda Soomaaliya, iyadoo dowladduna ay horay uga digtay shirkadaha inay fuliyaan amarka Al-shabaab ee lagu jarayo adeegga Internet-ka, haddi amarkan ay fuliyaanna ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Qiyaastii 11:00 barqonimo ee maanta ayay shirkaddu si rasmi ah u jartay adeeggga iyadoo aanay jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda, waxaana maalmahan u xirnaa arrinta Internet-ka xarumaha ay shirkadda Hormuud ku leedahay gobollada Jubbooyinka.

Howlwadeenno ka tirsan shirkadda Horumuud ayaa HOL u sheegay in adeegga Internet-ka la jaray illaa amar dambe, isagoo intaas ku daray in shacabkii horay uga iibsaday shirkadda Modem-yada loo isticmaalo adeegga 3G internet-ka ay xal u raadinayso shirakadda.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Al-shabaab ay ku bixiso amar ah in adeegyada ay dowladdu ka taliso laga jaro adeegga Internet-ka 3G-ga loo yaqaan, iyadoo aan la ogeyn tallaabada a dowladdu kaga jawaab-celinayso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/6/2014 2:26 PM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaa caawa lagu diley nin sheekh ah oo kamid ahaa culimaa’uddiinka magaalada Muqdisho caanka ka ah.

2/6/2014 11:14 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Waxaa xarunta Somali Women Development Center (SWDC ) ee magaalada Muqdisho, lagu qabtey munaabasad lagu xusayey maalinta ka hortagga gudniinka fircooniga ah oo ku beegan 6-da February , waxaana munaasabaddaas ka soo qayb galay qaybaha ka duwan ee Bulshada sida : culimaa’uddiin , sharci-yaqaanno, dhaqaatir, dhallinyaro iyo haween.

2/6/2014 9:29 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan qaabka ay iskula shaqeyn karaan odayaasha dhaqanka iyo Dowladda Federaalka.

2/6/2014 8:52 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ( Gaas) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey...

2/6/2014 6:39 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 06, 2014 (HOL) - Dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray galbeedka magaalada Beledweyne ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militariga ka hellaya kuwa AMISOM iyo xoogaga xarrakada Al-shabaab.

2/6/2014 6:37 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) --Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ayaa dib u soo celiyay wada shaqayntii kala dhaxeysay dhiggiisa dalka Masar ,kaddib kulamo miro-dhal ah oo labada dhinac ku dhex maray magaalada Qaahira.

2/6/2014 4:26 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Wasiirka amniga qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa kulan la qaatay xubno ka socdey rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

2/6/2014 1:29 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Guddiga heerka qaran ee loo saaray qaban qaabada aaska ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya -AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen, waxay ku go'aamiyeen waqtiga iyo goobta uu aaska marxuumku ka dhici doono.