5/9/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo ciidammo gaar ah wata oo Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay (SAWIRRO)



Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ( Gaas) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey, kaasi oo ka qaybgeli doona aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo berri oo jimce ah lagu duugi doono magaalada Muqdisho.

Wafdiga ballaaran ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ee maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa siyaasiin, hoggaamiyayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo xubno ka mid ah golayaasha maamulka Puntland, waxana soo dhoweyntooda ka qaybgalay golayaasha Dawladda Federaalka, siyaasiyiin, isimo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ka hor aaska iyo sagootinta qaran ee berri loo samayn doono marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaraya wafdiyo ballaaran oo ka kala imanaya gudaha dalka iyo dibadda.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE

“ Maanta waxaan magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay walaalaha Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali , waxana wafdigu ka qaybgelayaa aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

“ Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu ahaa halgamaa xorriyadda Soomaaliya iyo siyaasi qaran oo dadka mideeya, waxa uu hore ugu sifoobey maamul-wanaag iyo waddaninimo, isagoo ku caanbaxay karti iyo hufnaan, waxa aynu meydkiisa ku sagootinaynaa quluub mid ah oo murugaysan. Maadaama uu ahaa hoggaamiye dadka mideeya, aaskiisuna waxa uu noqonayaa mid inna mideeya” sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalantay xorriyadda Soomaaliya, kadibna waxa uu noqday siyaasi, isagoo xilka Ra’iisul Wasaaranimada hayey sanadihii 1964-tii ilaa 1967-dii ee nidaamkii dawladihii rayidka, waxana xukuumaddii uu madaxda ka ahaa ay la dagaalantay musuqmaasuqa, iyadoo ku caanbaxday ereyada “ Karti iyo Hufnaan”.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
2/6/2014 2:26 PM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaa caawa lagu diley nin sheekh ah oo kamid ahaa culimaa’uddiinka magaalada Muqdisho caanka ka ah.

2/6/2014 11:14 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Waxaa xarunta Somali Women Development Center (SWDC ) ee magaalada Muqdisho, lagu qabtey munaabasad lagu xusayey maalinta ka hortagga gudniinka fircooniga ah oo ku beegan 6-da February , waxaana munaasabaddaas ka soo qayb galay qaybaha ka duwan ee Bulshada sida : culimaa’uddiin , sharci-yaqaanno, dhaqaatir, dhallinyaro iyo haween.

2/6/2014 9:32 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ka jartay maanta Muqdihso adeeggii Internet-ka taleefoonka, kaddib go’aan horay uga soo baxay Al-shabaab, kaasoo ahaa in la joojiyo adeeggan.

2/6/2014 9:29 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan qaabka ay iskula shaqeyn karaan odayaasha dhaqanka iyo Dowladda Federaalka.

2/6/2014 6:39 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 06, 2014 (HOL) - Dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray galbeedka magaalada Beledweyne ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militariga ka hellaya kuwa AMISOM iyo xoogaga xarrakada Al-shabaab.

2/6/2014 6:37 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) --Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ayaa dib u soo celiyay wada shaqayntii kala dhaxeysay dhiggiisa dalka Masar ,kaddib kulamo miro-dhal ah oo labada dhinac ku dhex maray magaalada Qaahira.

2/6/2014 4:26 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) — Wasiirka amniga qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa kulan la qaatay xubno ka socdey rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

2/6/2014 1:29 AM EST
Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Guddiga heerka qaran ee loo saaray qaban qaabada aaska ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya -AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen, waxay ku go'aamiyeen waqtiga iyo goobta uu aaska marxuumku ka dhici doono.