4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 6 , 2014
Waqtiga la aasayo ra'iisul wasaarihii hore ee dalka oo la shaaciyey

Khamiis, Feberaayo 06, 2014 (HOL) —Guddiga heerka qaran ee loo saaray qaban qaabada aaska ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya -AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen, waxay ku go'aamiyeen waqtiga iyo goobta uu aaska marxuumku ka dhici doono.

Wasiirka  awqaafta iyo arrimaha diinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Ridwaan Xirsi Maxamed oo xubin ka ah guddiga qaban qaabada aaska, ayaa sheegay in meydka marxuumka berri o oJimce ah magaalada Muqdisho la keeni doono.

Isla berri oo Jimce ah ayuu sheegay in lagu aasi doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Jinaasada C/risaaq Xaaji Xuseen, waxaa kasoo qayb gelaya -sida uu wasiirku sheegay- wufuud tira badan oo dalka iyo dibaddiisa ka kala imaan doona.

“ waqtiga marxuumka la aasi doono waa maalinta Jimcaha, waxaana lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho...aaska  waxaa kasoo qayb geli doona wufuud tira badan oo ka kala socota dalka iyo dibadda...” wasiirka ayaa sidaas yiri.

Wufuudda badankooda ayaa ka imaan doona dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Itoobiya Midowga Yurub iyo Maraykanka. Sidoo kale waxaa aaska kasoo qayb geli doona madaxda maamul goboleedyada dalka  sida: Puntland, Jubba iyo Gal-mudug.

Dhanka kale, wafdi ballaaran oo uu horkacayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ka duulaya magaalada Garoowe, iyaga oo ku wajahan caasimadda dalka ee Muqdisho, halkaas oo ay munaasabadda aaska kaga qayb geli doonaan

C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisul wasaarihii labaad ee dalka Soomaliya uu yeesho kaddib markii uu xornimada qaatay 1960-kii, wuxuu lix maalmood kahor ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya