4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Dowladda oo sheegtay inay Al-shabaab ka qabsatay deegaano cusub

Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaailya ayaa sheegtay inay maanta kala wareegay Al-shabaab deegaan cusub oo ku yaalla jidka isku xira magaalada Muqdisho iyo xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee Marko.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay saakay kala wareegeen Al-shabaab dhowr deegaan oo kala: Gandarshe, Dhadhaane, Jilib-Marko iyo kuwo kale oo isku xira Muqdisho iyo degmada Marko.

“Deegaannadan waxay ka mid ahaayeen kuwii kooxda Al-shabaab ay kasoo abaabuli jirtay qaraxyada iyo weerarrada, cagta ayaan la mariyay, jidkuna shacabka Soomaaliyeed waa u faran yahay wayna mari karaan,” yuu yiri Cabdulqaadir Siidii.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ayaa intaa ku daray in howlgallada Al-shabaab looga saaray deegaannadan ay ahaayeen kuwo abaabulkoodu socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

“Ciidamadeenna laba askari ayaa ka dhaawacatay, Al-shabaabka cagta ayaa la mariyay,” ayuu yiri guddoomiyaha hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inay baarayaan khasaarihii ka dhashay dagaallada.

Sababta xilligan loogu soo beegay in Al-shabaab laga saaro jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Marko oo ay dowladda ka taliso oo la weydiiyay ayuu C/qaadir Siidii kaga jawaabay inay howlo badan dowladda u yaallay awgood dib ugu dhaceen, balse maanta ay hirgashay.

Deegaannada ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay Al-shabaab maanta kala wareegtay ayaa ku yaalla waddada marta dhinaca xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose.

Xarakada Al-shabaab weli kama aysan hadlin deegaannada cusub ee maanta ay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo horay Al-shabaab looga qabsaday deegaanno badan oo gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya