4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Dagaallo maanta ka dhacay deegaanno ku dhow Degmada Baydhabo

Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) — Kooxda  Alshabaab ayaa saaka weerar ku qaaday xero ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Boonkaay oo Baydhabo u jira 5-km, dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo ka mid ahaa ciidamadii deegaankaas dagaalku ku dhexmaray.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay laba qof oo ka mid ahaa ciidamada Somalia, kuwaasoo dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalka Baydhabo, halkasoo lagu daweynayo.

Kooxda Al-shabaab ayaa waxay kaloo weerar kusoo qaadeen deegaanno ay ka guureen ciidamada AMISOM sida deegaannada Daynuunaay iyo Moodo-moodo oo iyaguna ku dhow Baydhabo, iyadoo ay la wareegeen waddada Baydhabo iyo Muqdisho isku xirta.

Warar qaar ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay dagaalkaas dhaliyeen, iyadoo deegaannada ay ahaayeen kuwo ay horay u joogeen ciidamadii AMISOM ee Baydhabo ku sugnaa.

Tan iyo markii ay ciidamadii AMISOM ee horay u joogay Baydhabo ka baxeen dhowr weerar ayay ku qaadeen deegaanno dhowr ah oo horay fariisimo ugu ahaa, iyadoo ka faa’iideysanaya isbedelka ciidamada AMISOM.

Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka noqday AMISOM oo lagu wareejiyay amniga gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaan weli aan gaarin goobo badan oo ay fariisimo ku lahayeen ciidamadii horay u joogay Baydhabo ee ka socday dalalka Burundi iyo Uganda.

Hiiraan Online, Baydhabo