4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 5 , 2014
Dayactirka Safaarada Somalia ee Belguim oo laga Tashaday (SAWIRRO)

Arbaco, Feberaayo 05, 2014 (HOL) —
Safiirka Dowladda Federaalka Somalia u fadhiya magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub, Cali Siciid Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay qorbe-joog Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Britain iyo Holland.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii dayac-tir loogu sameyn lahaa dhismaha safaaradda oo muddo dheer aan wax dayac-tir ah lagu sameyn, islamarkaana xilligan uu burbur xooggani ka muuqdo.

Dan-jire Fiqi, ayaa qurbe-joogta warbixin kooban ka siiyey xaaladda uu dhismaha safaaraddu ku sugan yahay, nooca uu yahay dayactirka ay u baahan tahay in lagu sameeyo iyo weliba kharashka ku bixi kara.

"Runtii maanta waa ii farxad in aan arko muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhahaya waxaan dooneynaa in aan gacan idin ku siino sidii dib loogu dayactiri lahaa dhismaha Safaarrada..." safiirka ayaa sidaas yiri.

Dan-jire Cali Siciid Fiqi ayaa uga mahadceliyey xubnaha metelayey qurbe-joogta Soomaaliyeed ee dalalka Britian iyo Holland booqashada ay ku yimaadeen safaaradda Soomaaliya ee magaalada Brussels, isagoo intaas kaddibna qado-sharaf ugu sameeyey isla dhismaha safaaradda.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Macalin Xasan Faarax Joon oo bare ka ah dalka Britian, islamarkaana ka tirsanaa dadkii booqday dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Beljium, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed gacmaha is qabsan lahaayeen, isagoo dhanka kale qurbe-joogta  ku boorriyey inay ka qayb qaataan qorshaha dib loogu dayactirayo safaaradda.

"Hadii aynu nahay qurbo-joog runtii wax yaabo badan ayaan gacan ka geysanay haddii ay noqoto dhismo masaajid, dhismo waddooyin iyo garabsiinta walaalo Soomaaliyeed oo dhibaateysan, balse maanta waxaa inoo baahan gurigeenii aynu xaqiiqda u laheyn, waana wax inagu waajib ah in aynu dhamaanteen gacan ka geysano dib u dayactirka dhismaha Safaarada" Macallin Xasan ayaa yiri.

Qoraa Yuusuf Maxamed Cabdi, oo isagu kamid ahaa dadkii keenay fikirka ah in Soomaalida Qurba-joogta ahi ay gacan ka geysan karaan dib-u-dhiska dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Beljium, ayaa sheegay in qurbaha ay weli ku sugan yihiin muwaadiniin Soomaliyeed oo doonaya inay dadkooda iyo dalkoodaba wax u qabtaan.

Miski Cumar oo iyadu aheyd haweeneydii kaliya ay booqashadaasi qeybta ka aheyd, iyo Guddoomiyaha Sports-ka ee jaaliyadda UK, Daahir Cali Kulmiye ayaa iyaguna baaq u diray Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Yurub iyo Ameerika, iyagoo ku boorriyey inay ka tashadaan sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen dib-u-dayactirka dhismaha Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Beljium.

Waa markii ugu horreysey oo qaar kamid ah qurbe-joogta Soomaaliyeed ay sheegaan inay ka qayb qaadan doonaan dayactir lagu sameynayo dhismaha safaarad ay Soomaaliya leedahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya