4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2014
Hay'adaha Amnigu oo laga dalbay inay jawaab cad ka bixiyaan Duqeymihii Muqdisho ka dhacay (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta la kulmay hay’adaha ku shaqada leh amniga, sida wasiirka amniga Qaranka, iyo ku-xigeenkiisa, taliyaha booliiska, guddoomiyaha gobolka Banaadir, dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, taliyayaasha saldhigyada iyo kuwa nabadsugidda.

Kulankan oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa waxaa diiradda lagu saaray falalkii amni-darrada ahaa ee ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho labadii habeen ee lasoo dhaafay iyo sidii daba-gal dhammeystiran loogu sameyn lahaa cidda ka dambeysa.

Wasiirka amniga Qaranka oo ugu horreyntii goobta ka hadlay ayaa xusay in xalay illaa maanta ay aad ugu mashquuleen howlwadeenada ammaanka sidii jawaab cad looga keeni lahaa fowdada dhacday labadii habeen ee lasoo dhaafay iyo cidda iska leh mas’uuliyaddaas, maadaama goobaha ay ka dhaceen ay ku yaallaan saldhigyo iyo xarumo booliis kuwaasoo loo xil-saaray sugidda amniga.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh Axmed oo isna hadlay ayaa ka dalbaday hay’adaha amniga inay jawaab cad ka keenaan falalkan amni-darrada ah ee dhacay, kuwaasoo qal-qal geliyay shacabka, wuxuuna sheegay in kooxaha nabad-diidku ay ka faa’iideysanayaan habacsanaan amni ee jirta, loona baahan in la adkeeyo nabadda har iyo habeen, feejignaan dheeri ah la muujiyo.

“Waan ka xumahay qal-qalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee lasoo dhaafay, kooxaha cadowga ah waxay ka faa’iideysanayaan dal-daloollada amniga ee jira, waana in gacan bir ah looga hortagaa oo ay cabsadaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo ka dalbaday wasiirka amniga iyo taliyeyaasha ciidamada inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo dayacda waajibkeeda ka saaran sugidda amniga ee loo idmaday, si aanay mar kale u soo noqon falalkan oo kale.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha ayaa kulan saacado qaatay xafiiskiisa kula yeeshay ka hor inta aanu ka qaybgalin kulanka wasiirka amniga Qaranka, taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale, isagoo kala hadlay sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda loona dar-dargelin lahaa wada-shaqeyn hay'adaha amniga dhex-marta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya