4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2014
Mas’uuliyiin ka hadlay Duqeymihii Muqdisho iyo Dad loo Qab-qabtay

Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia ayaa ka hadlay duqeymihii xalay loo geystay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo sheegay inay madaafiicdu ahaayeen kuwo macmal ah oo aan geysan wax khasaare ah.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Col. Maxamed Cabdi Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwo macmal ah oo lagu qal-qal-gelinayay shacabka Muqdisho, khasaare ay geysteena aysan jirin.

“Baaritaanno aan sameynnay ayaan ku ogaannay in madaafiicdii Muqdisho lagu weeraray xalay ay ahaayeen kuwo macmal ah, mana jirto khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba ah oo ay geysteen, waxayna ahaayeen kuwo lagu cabsi-gelinayo shacabka Muqdisho,” ayuu yiri Col. Madaale.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in howlgallo ay ciidamada dowladdu sameeyeen xalay lagu soo qabqabtay in ka badan 50-qof oo qaarkood ay qayb ka yihiin falalka ammaan-darro ee ka dhaca Muqdisho, haatanna ay baaritaan ku wadaan.

Madaafiicdii xalay ayaa waxay ku dhaceen in ka badan lix degmo oo gobolka Banaadir ka tirsan, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen, inkastoo duqeymuhu ay cabsi weyn geliyeen shacabka Muqdisho.

Degmooyinka ay madaafiicdani ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah: Hodan, Boondheere, Xamar-weyne, Xamar-jajab, Wadajir iyo Dharkeynley, iyadoo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen inaysan jirin wax khasaare ah oo ay geysteen.

“Xamarweyne, waxaa kusoo dhacay dhowr madaaf, wax khasaare ah oo ay geysteenna ma arag kaddib baaritaanno aan sameynay,” ayuu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha degmada Xamar-weyne, C/llaahi Sahal Gardhuub.

Sidoo kale, guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamar-jajab iyo Dharkeynley oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin khasaare ay madaafiicdaas xalay ka geysatay degmooyinka ay maamulaan.

Ugu dambeyn, taliyaha booliiska Soomaliyeed, Jen. C/xakiin Saacid ayaa ka codsaday shacabka Muqdisho inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sidii ay ku sugi lahaayeen ammaanka caasimadda.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda duqeymahan, iyadoo ay xalay ahayd habeenkii labaad oo Muqdisho ay ka dhacaan duqeymo noocan oo kale ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya