4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Madaafiic Caawa Lagu Duqeeyay Degmooyinka Muqdisho Qaarkood

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa ku dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood ay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Degmooyinka ay madaafiicdu ku dhacday ayaa waxaa ka mid ah: Xamar-jajab, Boondheere, Wadajir, Wardhiigley iyo Xamar-weyn, iyadoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Qaar ka mid ah maaafiicdan ayaa ku dhacay Ceel-gaabta, iyadoo wararku ay sheegyaan in madfac ka mid ah madaafiicdan uu ku dhacay xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo ku taalla isgoyska KM5 ee degmada Wadajir.

Madaafiicda ayaa ahaa kuwo badan iyadoo mid ka mid ah la sheegayo inuu ku dhacay suuqa qudaarta ee degmada Xamar-weyne, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda duqeymahan.

Duqeymaha caawa dhacay ayaa kusoo beegmayaa xilli xalay laga maqlay Muqdisho qarxyo dhowr ah oo ka dhacay dhowr degmo, kuwaasoo aan geysan wax khasaare ah.

Sidoo kale, waxay duqeymahan kusoo beegmayaa xilli ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu maanta sheegay inay xukuumaddiisu xoogga saarayso sidii ay wax uga qaban lahayd ammaanka guud ee dalka.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadd duqeymo tododbaadkii hore afar qof ku dhaawacay Muqdisho, kuwaasoo ay sheegtay inay ku weerartay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wixii kasoo kordha duqeymahan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya