4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Kulan looga hadlay dib u dhiska Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii labaad oo ay yeeshaan guddiga hagidda iyo socod-siinta hay’adda dib-u-dhiska iyo horumarinta Somalia ee loosoo gaabiyo (SDRF).

Kulankan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka qayb-galay xubno ka socday dowladda, maamul goboleedyada iyo deeq-bixiyayaasha caalamka, iyadoo looga hadlay shirkan fulinta barnaamijka higsiga cusub (New Deal) ee Soomaaliya.

Barnaamijkan oo ah mid si toos ah dhaqaale loogu siinayo Soomaaliya ayaa xoogga saaraya dhinacyada mudnaanta leh ee nabadda iyo dowlad-dhisidda Somalia oo kala ah: ka-qayb-galka siyaasadda, ammaanka, caddaaladda, dhaqaalaha iyo adeegga bulshada.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa shirkii Bruessels lagu qabtay 16-kii bishii September ee sannadkii hore 2013 ku heshiiyay in barnaamijka higsiga cusub uu noqdo hannaanka dhaqaale lagu siinayo Somalia si loo xoojiyo wax-tarnimada kaalmada shisheeye.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa bogaadiyay muhiimadda barnaamijka, isagoo sheegay in xukuumaddiisu ay meel-marinayso heshiishka higsiga cusub, si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo sannadka 2016-ka.

“Barnaamijkan wuxuu bilow u yahay dowlad Soomaaliyeed oo nabad ah, dimuquraaddi ah, mid ah, federaal ah, taasoo nabad kula noolaata adduunka, si ay wax u tarto dadkeedda,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri: “Dowladda Somalia iyo saaxiibadda horumarinta waa inay aaminaan in barnaamijkan la hir-gelin-karo, waana in ficilkeenna laga arkaa. Waa in kalsoonidda lagu dhisaa ficil iyo wax-qabad. Waxaynu u baahannahay inaynu samayno maamulo gunta laga soo dhisay oo ay dadku raalli ka yihiin, sidoo kale waa inaynu dhisno qaab-dhismeed kor loogu qaadayo kalsoonida shacabka ee dhinaca caddaaladda, iyadoo wax laga qabanyo maaraynta dhaqaalaha dowladda.”

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu maanta la kulmay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan Soomaaliya, danjire Nicholas Kay iyo saraakiil sar-sare oo ka socday Bankiga Adduunka, waxayna ka wada-hadleen taageeridda hay’adaha dowladda iyo sii-wadista taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya