4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Mas'uuliyiin Somaliland ka tirsanaa oo Puntland u goostay (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ee gobolka Sool, kuwaas -oo sida ay sheegeen- soo goostay, ayaa maanta si diirran duleedka magaalada Garoowe loogu soo dhoweeyey.

Mas'uuliyiintan oo ay tiradoodu labo tahay, laguna kala magacaabo Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdalle Digaale Cali, waxay ka tirsanaayeen golaha deegaanka ee degmada Laas-caanood.

Madax ka tirsan maamulka Puntland oo ay kamid yihiin: wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan (Soo-cadde) iyo wasiirka kalluumaysiga C/nuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) ayaa soo dhoweynta ka qayb qaatay.

Labada mas'uul ee dhinaca Puntland usoo goostay oo warbaahinta si kooban ula hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in sannado kaddib ay Garoowe dib ugu soo laabteen.

Caddaalad darro iyo musuq maasuq ay sheegeen inuu ka jiro dhanka Somaliland ayey ku micneeyeen inay tahay sababta ugu weyn ee ku kalliftay inay kasoo tagaan xilalkii ay hayeen.

Ugu dameyntiina waxay sheegeen, inay ka go'an tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka Puntland iyo weliba sidii loo soo celin lahaa deegaanada Puntland ka maqan ee xilligan uu maamulka Somaliland ka arrimiyo.

Sanadkan 2014, waa markii ugu horreysey oo mas'uuliyiin horay uga tirsanaa maamulka Somaliland ay Puntland isu soo dhibaan.

Siyaasiyiin badan oo xilal ka heyn jirey dowladihii hore ee Puntland iyo qaar ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee sanadkii 2009, ayaa horay ugu biiray maamulka Somaliland.




Sawirrada: Imaan Maxamed, Hiiraan Online

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya