4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Xukuumadda Somaliland oo Xayiraad kusoo rogtay TV-ga UNIVERSAL

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Wasiiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa sheegay inay xayiraad ku soo rogeen Telefishanka UNIVERSAL, isla markaana aanu ka hawlgali Karin guud ahaan dhulka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse, ayaa sheegay in telefishankaasi caadaystay dacaayado ka dhan ah Somaliland, isla markaana ku kacay falal qaranimada iyo anshaxa saxaafaddaba lidi ku ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay maxkamad la gali doonaan telefishanka iyo mulkiilihiisa, maadaama oo uu sheegay inay ku xadgudbiyeen anshaxa saxaafadda iyo qaranimadda Somaliland.

“Laga bilaabo maanta oo Isniin ah 3 bisha Febaury waxa laga joojiyey TV-ga Universal inuu ka hawlgalo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana TV-gaas iyo mulkiilihiisaba dacwad lagaga furayo Maxkamadaha Dalku leeyahay iyadoo loo marayo xeerarka caalamiga ah ee saxaafadda”ayuu yidhi Cukuse.

Waxa uu intaas ku daray  in TV-ga Universal uu soo dhaafay dhamaan xuduudihii u yaallay saxaafadda kana baxay heshiisyadii uu kaga hawlgalayey ciidda Somaliland, isagoo ay Gabbaad ka dhiganayso dawladda Soomaaliya oo faro-faraynta ay Somaliland ku hayso soo marsiisa Telefishinkaasi, ka dib markii ay laaluush ahaan u siisay dhisme balaadhan oo dadweynaha dalkaa ka dhexeeyey oo oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayuu ku yidhi shirkiisa jaraa’id.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii Telefishankaasi soo daayey barnaamijka la yidhaa faaliyaha Qaranka oo uu filim kartoon ka sameeyey madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale, xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, oo aanu xayiraata telefishanka wax ka waydiinay ayaa sheegay in filim kartoonadda iyo madadaaladda siyaasigu aanay dambi ahayn, isla markaana warbaahintu horaba filim kartoono u samayn jirtay.

Xoghayaha ayaa sheegay in aanu daawan barnaamijkaasi, balse ay rusqadda kala noqon karto xarun warbaahineed maxkamadda oo qudha, isl markaana lagu xayiri karo marka mabaadiida guud iyo arrimaha qaranimada wax laga sheego, balse madaxda laga faaloon karo, isla markaana aanay dambi ahayn in filim kartoon laga sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, barnaamijkan faaliyaha Qaranka ee ay ka soo qaadeen madaxweynaha Somaliland oo ay ka waraysanayaan waxyaalaha lagu xanto ayaa dadweynaha Somaliland siyaabo kala duwan uga hadleen, isla markaana dadweynuhu ka faaloonayeen, iyadoo ay iskugu jireen dad taageersan iyo kuwo naqdiyeyba.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland