4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 3 , 2014
Booliska Kenya iyo dhallinyaro careysan oo ku dagaalamay Mombasa


Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro mid ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad muddo kooban socday oo magaalada Mombasa ee dalka Kenya ku dhexmaray booliiska dalkaas iyo dhallinyaro muslimiin ah.

Iska-horimaadka ayaa qarxay kaddib markii ciidamada ammaanka Kenya ay rasaas ku fureen masjidka Muusaa oo ay ku sheegeen inuu yahay mid lagu qabto kulammo lagu guubaabiyo dhallinyarada jihaad-doonka ah.

Booliiska ayaa toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah, iyadoo markaas kaddib uu billowday iska-horimaadka kaasoo sababay in sarkaal booliiska Kenya ka tirsan uu ku dhinto.

“Waxaanu xirnay tiro dhallinyaro ah oo weeraray ciidamadeenna, xilli uu ka socday howlgal masaajidka, baaritaanno ayaana ku haynaa,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay taliyaha booliiska Mombasa, Robert Kitur.

Taliyaha waaxda dambi-baarista Mombasa, Henry Ondieki ayaa sheegay inay ciidamada ammaanku galeen masaajidka kaddib markii ka war-heleen inuu ka socdo masaajidka kulan looga hadlayo jihaadka..

“Maanta ma ahan maalin caadiyan ay muslimiintu tukadaan salad weyn sida Jimcaha oo kale, xaaladdu waa mid cad, waxaa lagu qorsheynayay in lagu guubaabiyo dhallinyarada sidii ay ku weerari lahaayeen shacabka aan waxba galabsan ee Kenya,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Booliiska Kenya ayaa horay ula xiriiriyay masaajidka Muusaa inuu yahay mid laga qoro dhallinyarada Kenyanka ah ee ku biiraya Al-shabaab, inkastoo ay horay u diideen muslimiinta Kenya in masaajidka uu yahay meel laga qoro dhallinyaro u dagaallama Al-shabaab.

Rabshadahan ayaa shalay dhacay iyadoo xaaladdu ay maanta tahay mid deggen, waxaana magaalada Mombasa kusoo laabtay dhowr jeer dagaallo u dhexeeya ciidamada Kenya iyo muslimiinta magaaladaas ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya