4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2014
Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya Amniga Somalia iyo AMISOM

Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya toddobaadka soo socda ammaanka Somalia iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo dowladda Somalia ka caawinaya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga  qaybgalaya wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, C/ramxaan Ducaale Beyle oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta oo Jimco ka ambabaxeen Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Kulanka looga hadlayo amaanka Soomaaliya ayaa wuxuu socon doonaa 6-da illaa 8-da bisha Maarso ee foodda nagu soo haysa, iyadoo shirkan uu kusoo beegmayo iyadoo magaalada Muqdisho ay maalmahan ka dhacayeen weerarro ay fuliyeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Qodobbada looga hadli doono shirkan ayaa waxaa ka mid ah cunno-qabteyntii hubka ee Soomaaliya laga qafiifiyay sannadkii hore, iyadoo xilliga loo qabtay oo hal sano ahaa uu ku eg-tahay bisha Maarso ee soo socota.

Sanad ka hor ayay ahayd markii xubnaha Golaha Ammaanka ee 15-ka ah ay isla ogolaadeen in Somalia laga qafiifiyo cunno-qabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya sannadkii 1992-kii, si dowladda Soomaaliya ay ugu suura-gasho inay soo iibsato hubka fudud.

Balse warbixin ay dhawaan shaaciyeen guddiga la socodka xayiraadaha hubka ee saran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in hub ay dowladda Soomaaliya kasoo iibsatay dalalka Carabta qaarkood uu gacanta u galay xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, taasoo dowladda Soomaaliya ay beenisay.

Ilo dublamaasiyadeed oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa horraantii bishan u sheegay warbaahinta caalamka qaarkeed in xubnaha Golaha Ammaanka ay qorsheynayaan inay qafiifinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya ay waqti kooban ku daraan.

Wafdiga wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusii sagootiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Siciid Jaamac Maxamed Qorsheel , wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Burci Maxamed Xamza iyo dublamaasiyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya