4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2014
Jabuuti oo Heshiis Horumarinta Ciidamada ah la gashay Shiinaha

Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Jabuuti Xasan Darar Hufane ayaa sheegay in xiriir milatari ay la yeelanayaan dowladda Shiinaha ka dib kulamo xiriir ah oo masuuliyiin ka tirsan labada dhinac ay ku yeesheen magaalada Jabuuti.

"In badan ayaan u mahad-celinaynaa dowladda Shiinaha waqtiyada adag ee ay nala soo qaateen ,waxey naga caawin doonaan kor- u qaadidda mashaariic horumarineed oo dalka laga hirgalinayo  "ayuu yiri Hufane oo ka hadlayay xiriirka labada dowladood.

 Wasiirka Gaashaandhiga Shiinaha Chang Wanquan ayaa booqasho qaadatay laba maalin ku yimid dalka Jabuuti ,waxaana ay kulamo gaar-gaar ah wada qaateen madaxda dowladda ugu sareysa oo uu ku jiro  madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

"Dowladdeena diyaar  ayey u tahay inaan Jabuuti ka taageerno tayaynta dhinaca Milatariga iyo waliba Ammaanka "ayuu isna yiri Chang oo la hadlay warbaahinta ka dib booqashadiisa,isagoo xusay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qota dheer.

 Heshiisyo ay labada dhinac si hor dhac ah u gaareen ayaa waxaa ku jirta in maraakiibta dowladda Shiinaha ay adeegsan karaan dekadaha dalka Jabuuti ,iyaga oo fududaynaya tababaro gaar ah oo  ay siinayaan ciidamada milatariga Jabuuti.

 Sidoo kale dowladda Shiinaha ayaa seddex dekadood ka dhisaysa dalka Jabuuti iyo wado dheer oo isku xiri doonta Jabuuti iyo waliba wadamada dariska la ah gaar ahaan Itoobiya si kor loogu qaado xiriirka ganacsi ee geeska Afrika.

 Ugu danbayntii dowladda Shiinaha ayaa lagu wadaa in ay taageero ka gaysato horumarinta ciidamada jabuuti ee ku jira howl-galka Amisom ee Soomaaliya,iyadoo heshiisyada la gaaray lagu wado in la dhaqan-galiyo dhawaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]