4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2014
TURKIGA: Qaraxii Muqdisho waa mid lagu carqaladeynayo nabadda

Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerar  Ismiidaamin ah oo shalay ay ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho, iyagoo ku sheegay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo horumarka iyo nabadda kasoo bidhaamaysa Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in qaraxii shalay uu ka mid yahay dhacdooyinka foosha xun ee Soomaaliya ka dhacaya.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in xukuumadda Turkiga ay aad uga xun tahay falalka ammaanka lagu carqaladeynayo ee ka dhacaya Somalia, isla markaana ay Soomaalida la wadaagi doonaan xanuunka dhacdooyinkan.

“Waxaan tacsi u diraynaa ehelladii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay weerarkaas, kuwii kale ee ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryaynaa caafimaad deg-deg ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Qaraxii shalay ka dhacay agagaarkaa baarkii Fiat oo u dhaw xarunta hay’adda nabad-sugidda Qaranka oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa lagu dilay in ka badan 10-qof oo isugu jiray shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa weerarkan si adag u cambaareeyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo taageera dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay weerar fulaynimo ah oo lagu laayay shacab aan waxba galabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya