4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
Daraasad: Jaamacadaha ugu caansan Somalia dhinaca Facebook-ga

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Iyadoo shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook ay bishan Febraayo u dabbaal-dagtay sannad-guuradeedii 10-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ayaa hay’adda Iftin Foundation waxay daraasad ku sameysay sida jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya ay uga faa’ideystaan shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook-ga si ay ula xiriiraan ardayda, maamulka, waaliddiinta iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan.

Daraasadda ay sameysay Iftin Foundation oo ka shaqeysa waxbarashada dalka ayaa lagu ogaaday in 40% jaamacadaha Soomaaliya ay leeyihiin Faceboo-yo u gaar ah, inkastoo ay ku kala badan yihiin tirada taageerayaasha iyo macluumaadka ay ku baahiyaan.

Jaamacadda Indian Ocean oo ah jaamacaddii ugu horreysay ee Muqdisho laga hirgeliyay burburka dowladdii dhexe kaddib ayaa noqotay jaamacadda ugu taageerayaasha badan dhanka Facebook-ga, iyagoo leh 7,249 taageere, waxaana kaalinta labaad ku jirta Jaamacadda Edna Adan University oo leh 7,027 taageere, halka Jaamacadda Hargeysa oo ku jirta kaalinta saddexaad ay leedahay 5,760 taageere.

Daraasaddan oo la sameeyay 25-kii Febraayo 2014, waxaa xiriirrada bogagga Facebook-ga ee jaamacadaha lagu saleeyay kuwa rasmi ah ee ku xusan baraha internet-ka ee jaamacadahaas.

“Ujeeddada sahankan waa sidii loo ogaan lahaa sida ay jaamacadaha Soomaaliya uga faa’ideystaan farsamada casriga ah. Hadda waxaan ku billownay shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook-ga, waxaanse sidoo kale qiimeyn ku sameyn doonnaa baraha internet-ka ee jaamacaduhu sida gaarka ah u leeyihiin; inagoo ka eegi doonna wararka iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin,” ayuu yiri C/weli Cali Maxamuud oo ah madaxa barnaamijyada Iftin Foundation.

Hay’adda IF oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho waxaa loo aasaasay in hay’adaha waxbarashada ay ka caawiso sidii ay u baahin lahaayeen fursadaha waxbarasho ee ay bixiyaan. Wax-qabadka hay’adda waxaa ugu waaweyn inay hawada soo gelisay idaacaddii ugu horreysay Soomaaliya ee arrimaha waxbarashada gaar u ah ka shaqeysa, waxayna soo saartay diiwaanka waxbarashada Soomaaliya (Somali Education Directory) iyo barnaamijyo kale.

Liiska Jaamacadaha oo Dhameystiran:

No. Jaamacadaha Barta Internet-ka Facebook-ga Taageere
1. Indian Ocean University www.iousom.com facebook.com/Uiocean 7,249
2. Edna Adan University www.ednauniversity.org facebook.com/edna.hospital 7,027
3. University of Hargeisa www.huniversity.net/ facebook/University-of-Hargeisa 5,760
4. Amoud University www.amouduniversity.org/ facebook.com/Amoud-University 5,326
5. University of Somalia www.uniso.edu.so facebook.com/universityofsomalia 3,959
6. SIMAD University www.simad.edu.so facebook.com/SIMAD-University 2,669
7. University of Burao www.buraouniversity.com facebook.com/University-of-Burao 1,444
8. University of Bosaaso www.universityofbosaso.com facebook.com/bosasouniversity 1,299
9. Jamhuriya University www.jamhuriyauniversity.com facebook.com/Jamhuriya 1,111
10. Islamic University www.islamicuniversity.so facebook.com/IslamicUniversity 1,046

Faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Email:
[email protected]  
Website:
www.iftinfoundation.org  
Also visit:
www.radioiftin.com