4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
Haweenka AMISOM oo Xafiis ka Furanaya Baladweyne (SAWIRRO)

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Kaddib kulan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhaxmaray xubno wafdi ah oo ka socday garabka haweenka midowgga Africa AMISOM iyo ururada haweenka ee gobolka Hiiraan ayaa looga wada hadllay wada-shaqeyn dhaxmarta labada dhinac.

Xubnaha wafdiga ka socda garabka haweenka AMISOM ayaa ka dhageystay haweenka gobolka Hiiraan arrimo la xiriira tacadiyada inta badan ku dhaca haweenka, iyo waliba marka ay dhacaan sida ay u maareeyaan, waxaana halkaa leysku dhaafsaday afkaar iyo waliba aragtiyo la xiriira sida loo maareyn karo ama looga hortagi karo tacyadiyada ay inta badan la kulmaan haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Ururrada haweenka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatada xiligan heystay dumarka Soomaaliyeed looga gudbi karo oo kaliya in sare loo qaado wacyiga aqoonta ee haweenka meel kasta oo ay joogaan, taasoo sahli karta in ay awood u yeeshaan ka hortaga iyo maareynta dhibaatooyinka soo food saara.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:



Madaxa wafdiga AMISOM, Mane Axmed oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ujeedada safarkooda Beledweyne tahay siddii ay wax badan uga ogaan lahaayeen nolasha haweenka ku dhaqan gobolka islamarkaan isku dhaafsan lahaayeen afgaar iyo waliba aragtiyo caqabadaha heysta haweenka.

Waxaa ay sheegtay ama ay ballan-qaadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan Beledweyne uga furan doonaan xafiis si toos ah ula shaqeyn doona haweenka gobolka Hiiraan, kaa oo ugu horeyn ka caawin doona qabashada xuska maalinta haweenka 8-da Marso ee nagu soo foolka leh.

Waa markii ugu horeysay oo ay magaalada Beledweyne soo gaaraan xubno ka socda garabka haweenka howlgalka midowgga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya