4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
C/weli: “Weerarkan Wuxuu Muujinaysa Guul-darrada Nabad-diidka”
Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fal fool-xumo iyo fuleynimo ah ku tilmaamay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday maqaaxi ku taala is-goyska Baar Fiat ee degmada C/casiis, weerarkaasoo ay ku naf-waayeen dad rayid ah oo halkaas ku sugnaa.

Mudane C/weli Sheekh ayaa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qaraxaas, isagoo ALLE uga baryay inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, intii ku dhaawacantayna u rajeeyay caafimaad deg -deg ah.

“Beegsida argagixisada ee shacabka, waa astaan muujinaysa dhammaadka waqtiga kooxda caadaysatay daadinta dhiigga shacabka, dawladduna wey u diyaar-garowday sidii loo sifeyn lahaa nabad-diidka, loona baajin lahaa dilka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray: “Cadowgu waxay ka warhayaan in la gaaray xilligii la soo af-jari lahaa, waxayna go’aansadeen in daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegeynaa kuwa soo maleegay iyo kuwa fuliyay fal-dambiyeedka in lala xisaabtami doono.”

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay in falalka noocan oo kale ah marna aysan hakin doonin tallaabooyinka aan ku cirib-tireyno nabad-diidka oo uu sheegay inay awooddoodu hoos u dhacday.

Weerarrada ka dhacaya Muqdisho ayaa waxay noqdeen kuwo soo kordhayay xilliyadii ugu dambeeyay, iyadoo la xusuusto in dhawaan ay Al-shabaab ku qaaday weerar toos ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxda dowladda Somalia ayaa looga bartay inay cambaareeyaan markii ay dhawaan falal noocaan oo kale, iyadoo falalkaas intooda badan ay si cad u sheegato Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada AMISOM ee caawinaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya