4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Wasiir u dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubba oo la magacabay


Arbaco, February 26, 2014(HOL) :- Wareegto shalay gelinkii danbe kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha maamulka Jubba ayaa xilka wasiiru dowlaha madaxtooyada maamulka Jubba loogu magacaabay Mudane C/qani Cabdi Jaamac.

Masuulkan la magacaabay ayaa ah aqoonyahan ka yimid dalka dibadiisa, waxa uuna la soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo Qaramada Midoobay, sidoo kale waxa uu xil kasoqeo qabtay bankiga Aduunka.

C/qani Cabdi Jaamac ayaa waxa uu qeyb lixaad leh kasoo qaatay shirkii maamul u sameynta Jubooyinka ee lagu soo doortay madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), iyado masuulkani uu ka ahaa shirkaasi gudoomiyihii gudigii farsamada.

Dad badan ayaa aaminsan in masuulkani uu kasoo bixi doono xilka loo magacaabay maadaama uu yahay nin kasoo shaqeeyay dalal kala duwan oo caalamka ah islamarkaana leh aqoon iyo waayo aragnimo dheer.

Hoos ka aqriso wareegtada lagu magacaabay Masuulkan cusub:



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya