4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2014
Dowladda Switzerland oo ka caawinaysa Somalia dib u dhiska dalka


Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Maddaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Switzerland, Domanic isla markaana madaxweynaha soo gaarsiiyay fariin uu ka waday madaxda dalka Switzerland.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyay madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee safiirnimo.

"Aad ayaan ugu faraxsanay in maanta madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha aqoonsiga, waxaan kaloo ku faraxsannahay in dowlada Switzerland halkaan safiir uga matalo muddo 30 sanno kaddib oo aan wax safiir ah halkaan horay inoogu joogin," ayuu yiri safiirku Switzerland.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN"

Sidoo kale, safirka ayaa ballan-qaaday in dowladiisu ay ka caawin doonto Soomaaliya arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahay sidii dalkan looga dhaqan-gelin lahaa dib-u-dhiska dalka, nidaamka federaal-ka iyo xasilinta dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna yiri: "Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Switzerland sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa inuu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-u-dhiska dalka."

Ugu dambeyn, madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya