4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Xuskii Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo Minnesota lagu qabtay (SAWIRRO)


Isniin, February 24, 2014(HOL) —Xuska Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Waxaa soo qabanqaabiyay xuska Meertada Afka & Suugaanta Soomaaliyeed Iyo waliba Naadiga Qalinleyda & Halbuurka ee PEN kulankan oo hal-ku-dheg looga dhigay sanadkan ( U HIILLI AFKAAGA HOOYO).

Kulanka waxaa looga hadlay sidii lo adkeyn lahaa sii jiritaanka Afka Hooyo iyo sidii waalidiinta Soomaaliyeed ay u isticmaali lahayeen afkooda hooyo marka ay la hadlayaan ubudkooda qurbaha ku dhashay ama ku barbaaray.

Eng. Cabdi Saleebaan oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka ayaa ku boorriyay waalidiinta ciddii awoodda in ilmahooda gudaha Soomaaliya geeyaan ugu yaraan 3 bilood si ay wax uga soo barataan luuqaddooda iyo dhaqankooda. Eng. Cabdi waxuu yiri ”wixii aad afkaaga ku barato iyo waxii luuqad kale aad ku barato waligood isku mid noqon maayaan, adduunka taariikhda la hayo ma jirto buu yiri waddan horumar gaaray oo aan afkiisa wax ku baran”, wuxuuna tusaale gaaban  u soo qaatay dalalka Shiinaha iyo Koofurta Kuuriya.

Khadro Xasan oo ku hadashay magaca waalidiinta ayaa ku billowday hadalkeeda ”farxad ayay ii tahay in aan ka mid ahaa 42 sano ka hor  ardaydii lagu billaabay Afka Soomaaliga, waxaana ahyen dad aad u nasiib badan, waxay ku dhiirigelisay jaaliyadaha in ay furtaan iskuulo lagu barto afkooda Soomaaliga ah ama lagu daro dugsiyada quraanka fasallo afka Soomaaliga ah.waxayna ku dhiirrigalisay Waalidiinta in ay ku dadaalaan Nooleynta Afka Hooyo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE

Dadkii Kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed Cismaan oo ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed ee dagan Magaalada Chicago ee Gobolka Illinois,  wuxuuna  aad uga hadlay mawduuc ahaa  ”Dulucda Suugaanta Soomaaliyeed” oo uu u sifeeyay si aad u qurux badan  isagoo adeegsanayay Af-soomaali qadiimi ah. Wuxuu sifeeyay  macnaha erayga suugaan hadalka Maxamed oo socday ilaa soddon daqiiqo, wuxuuna soo jiitay dareenka dadkii dhegeysanayay oo aad uga helay hadalka u deeqsiiyay.

Waxaa gababgabadii kulanka ka hadlay Macalin Saciid Saalax Axmed  oo  sheegay inay  xusayeen maalintan Afka Hooyo Meertadoodu lixdii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu  sharraxay sababta loo xuso maalintan Caalamiga ah ee loo asteeayy  21-ka Febaraayo. Macallin Saciid wuxuu ka  sheekeeyay Taariikhdii iyo marxaladahii uu soo maray Afka Soomaaliga, wuxuuna ugu dambeyn sheegay  in baaqa la soo gudboonaday sanadkan uu yahay afkiina ku codsanayaa waxaa la diiwaan galinayaa magaalada xamar Teesarradii Ama ID, tasoo lagu qorayo af kale, taasna waxay ka mid tahay waxa afka minguuriyay ama dhimmaal ku keeni karta ayuu yiri Macalin Saciid Saalax.

Waxaa ku soo bandhigay munaasabadda gabayo ka hadlaya muhiimadda Afka Hooyo Abwaanno da' yar sida Cabdullahi Xasan Ganeey, Adan Diiriye iyo Saciido Shaaciye, kuwaasoo gabayadooda aad loo jecleystay.

Siyaad Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota