4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
IGAD oo sheegtay inay sii xoojinayso Taageerada dawladda Somalia


Isniin, February 24, 2014(HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Danjiraha ayaa u gudbiyay ra’iisul wasaaraha dhambaal tacsi ah oo uu ka siday urur goboleedka IGAD, kaasoo ku aaddan falkii lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu caddeeyay in ururka IGAD uu sii wadi doono taageerada looga qayb-qaadanayo xasilinta iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa uga mahadceliyay urur goboleedka IGAD taageerada aan kala go’a lahayn ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Waxaan caddeynayaa in xukuumaddu ay ka go’an tahay xasilinta dalka iyo ka hortagga kooxaha nabad-diidka ah ee halista ku ah ammaanka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, danjire Afeey ayaa isaguna yiri; “Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamku inay si dhab ah u garab-istaagaan dowladda Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo xasilooni buuxda iyo deggenaasho.”

Hadlakan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay dowladda Somalia iyo IGAD isku khilaafeen qorshe ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ugu dhiso maamullo KMG ah deegaannada ay Al-shabaab oo dowladdu sheegtay inay qorsheynayso inay ka saarto.

Dhanka kale, go’aanka IGAD ay ku taageerayso Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay Al-shabaab weerar toos ah ay ku qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya