4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo Dhaqdhaqaaq kawada G/Gedo

Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Ciidammo aad u qalabeeysan oo ka tirsan kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa waxay ay soo gaareen deegaan lagu Buursagaar oo u dhexeeya degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaareey.

Goobjoogeyaal ku sugan deeganadaasi ayaa HOL u sheegay in ciidamadani ay ku qalabeeysanyihiin hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, waxaana ay ku wajahanyihiin degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo halkaaso ay hore ugu sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Ilaa imika ma cadda halka ay ku wajahanyihiin ciidamadan, haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in ay ku wajahanyihiin degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Dhinaca kale, xarakada Al-shabaab ayaa wada diyaargarow aad u xooggan oo ay ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ee kusoo fool leh deegaanada ay ka arimiyaan ee gobolka Gedo

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan degmada Buurdhuubo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u diyaarsanyihiin duulaan walba oo kaga yimaada dhanka ciidamada dowladda iyo AMISOM ee isgarabsanaya.

Xiisadahan kasoo cusbonaaday gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Itoobiya ay dhawaan si rasmi ah uga mid noqdeen ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee (AMISOM).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
Hnur@hiiraancom
Kismaayo, Soomaaliya