4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Gal-guduud: Injineero Keenyaati ah oo madax-furasho laga doonayo

Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) —Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay burcad-badeed yihiin, kuwaas oo dhowaan labo nin oo injineerrada dhismaha ah oo u dhashay dalka Kenya ka afduubtay magaalada Muqdisho, ayaa dalbaday lacag badan oo madax-furasho ah.

Xog-hayaha Midowga Bad-maaxiinta Kenya Andrew Mwangura -ayaa isaga oo magaalada Mombasa ku sugan- wuxuu warbaahinta u sheegay warka ku saabsan afduubka labada injineer oo la shaqeynayey shirkad dhisme oo ka howlgasha magaalada Muqdisho.

"weli waxan la xiriireynaa qaraabada la haystayaasha, waxase naloo xaqiijiyey in rag hubeysani ay haystaan injineerrada Kenyan-ka ah" Adrew Mwangura ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey " sida aanu wararka ku heleyno labadooduba way bedqabaan, dableyda ay gacanta ugu jiraanna madax furasho ayey dooneysaa"

Kooxda afduubka geysatey ayaa dalbtay madax-furasho gaareysa 80milyan oo shilinka Kenya ah, lacagtaas oo u dhiganta ku dhowaad hal milyan oo doolarka maraykanka ah.

Labada injineer waxaa bishii January 13-keedii laga afduubtay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, wuxuuna afduubkoodu kor u qaadayaa tirada muwaadiniinta Kenyan-ka ah ee tan iyo sannadkii 2012 lagu qafaashay Soomaaliya, tiradaas oo xilligan ah lix qof oo ay labo askar ahi ku jiraan.

Xigasho: Capital FM

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya