4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Ciidamada Itoobiya oo Buulaburde looga mudaaharaaday (SAWIRRO)

Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Bannaanbax ballaaran oo ay dadweyne boqollaal gaarayaa kasoo qayb galeen, ayaa shalay ka dhacay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan oo kamid ah deegaanada ay ka arrimiso Xarakada Al-shabaab.

Dibadbaxa oo la sheegay inuu jawaab u yahay mid ka dhan ahaa Al-shabaab oo isla shalay magaalada Muqdisho ka dhacay, waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah saraakiisha Ururka Al-shabaab.

Mas'uuliyiin ka tirsan Shabaabka oo goobta ka hadlay, ayaa aad u cambaareeyey ciidamada Itoobiya ee dhowaan ku biiray howgalka AMISOM, iyagoo ku baaqay dagaal ka dhan ah, islamarkaana dadka Soomaaliyeed u diray farriin ah inay dagaalkaas ka qayb qaataan.

Dhanka kale mas'uuliyiinta Al-shabaab ka tirsan ee goobta uu bannaanbaxu ka dhacay ka hadlay, ayaa sheegay in dadka dibadbaxan ka qayb qaadanayaa aanay ahayn kuwo lasoo khasbay, haseyeeshee ay si iskood ah isugu soo baxeen; si ay dareenkooda u muujiyaan.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo dadweynihii kale ee dibadbaxaas kasoo qaybgalay, ayaa iyaguna muujiyey sida ay uga xun yihiin ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, iyagoo sheegay inay hiil iyo hooba kaga qayb qaadanayaan sidii dalka looga xoreyn lahaa- waa sida ay hadalka u dhigeene.

Isla shalay, waxaa magaalada  Muqdisho ka dhacay muddaaharaad ay soo qaban qaabiyeen haweenka gobolka Banaadir, muddaaharaadkaas oo lagu taageeray nabadda laguna dhaleeceeyey Xarakada Al-shabaab, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin badan oo dowladda federaalka ka tirsan, kuwaas oo Ra'iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu kamid ahaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya