4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Dadka Baydhabo oo lagu amray in ay gurayahooda iyo goobahooda ganacsiga ku dhejiyaan Calan cusub

Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) —Magaalada Baydhabo ayaa lagu arkayaa goobaha ganacsiga sida dukaamada iyo guryaha calanka maamulka aan weli la isku raacin ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wararka aan ka helney Maamulka Degmada Baydhabo ayaa waxay bulshada u sheegeen in ciddii aan xiranin calanka ha ahaadeen goobaha ganacsiga iyo guryaha ku yaalla waddooyinka la ganaaxayo hal Milyan oo shilin Soomaali ah , taasoo ku khasabtey dadweynaha inay ku xiraan albaabada ganacsiga iyo guryaha waddooyinka ay hormaraan.

Maamulka uu waqtigiisa sii dhammaanayo oo ammarkan soo saaray  ayaa waxay beryahan danbe ku jiraan dhaqaale aruurin aad u tiro badan , iyadoo aysan jirin wax dabagal ah oo dhinaca Dowladda Federaalka  soomaaliya ah. Dhanka kalena, Magaalada Baydhabo waxaa gebogebo ah Shirweynihii Koonfur galbeed ee Maamul u sameynta 6da gobol , iyadoo guddiga doorashada ee Madaxweynaha dowlad gobaleedka koonfur galbeed ay billaabeen qabashada araajida iyo CV-yada Musharaxiinta .

Waxaa sidoo kale ka socda Hotel Bakiin shirka 3-da gobal ee koonfur galbeed, kaasoo isagana barbar socda shirka ADC ka socda , waxayna dadku wel wel ka muujinayaan shirarka magaalada gudaheeda ka wada socda ee la leeyahay waxaa looga arrinsanayaa aayaha Gobollada Koofur Galbeed Soomaaliya.



 

Hiiraan Online, Baydhabo