4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Kulan looga hadlay Amaanka oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada, waxaana kulankan kasoo qayb-galay madaxda maamulka gobolka, guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha saldhigyada, waxaana kulankan ujeeddadiisa lagu sheegay mid lagu adkeynta amniga gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay taliyeyaasha ciidamada booliiska iyo nabadsugidda, waxaana lagu lafa-guray sidii wada-shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen howlwadeennada gobolka iyo xubnaha golaha wasiirada, iyadoo degmo kasta si gaar ah loogu xil-saaray laba wasiir oo la shaqeyn doonta guddi ka kooban maamulka degmooyinka gobolka, qaybaha bulshada degmada, xubin baarlamaanka ka tirsan iyo labadaasi wasiir. Waxayna si gaar ah ula socon doonaan xaaladda amni ee degmada.

Sidoo kale, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha saldhigyada ayaa lagu wargeliyay go’aannadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiirradu ay uga hadleen ammaanka Muqdisho si loogu badalo wax-qabad.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, isagoo xusay in kulankan muhiimaddiisu ay ahayd sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda oo ay labo maalin ka hor ka dhaceen falal argagixiso, wuxuuna tilmaamay in la soo saaray go’aano wax ku ool ah si loo xanuujiyo caddowga loogana hor-tago falalka qal-qalgelinta amniga ah ee ay mararka qaar ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

“Caddowgu wuxuu soo weeraray goobtii astaanta u ahayd Qaranimada dalka Soomaaliya ee madaxtooyada, xukuumaddu waxay si deg-deg ah uga bixin doontaa jawaab xanuujisa caddowga,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa soo xiray ra’iisul wasaaraha xukuumadda oo faray dhammaan hay’addaha amnigu inay si adag u wajahaan waajibaadka dhanka amniga ah ee saran, ayna ka hortagaan fal kasta oo caddowgu ku doonayo inuu ku qal-qalgeliyo amniga shacabka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya