4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Tartan Kubadda ah oo lagu soo gunaanaday Kismaayo (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Xaflad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa abaalmarinno lagu gudoonsiiyay kooxaha kaalimaha hore ka galay tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay xaafadaha magaalada Kismaayo.

Tartankan oo soo socday mudo bilooyin ah ayaa waxa ku bartamayay kooxo kala matalayay xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana ciyaarahani kusoo baxay kooxaha kala ah: Kanava oo gashay kaalinta 1-aad iyo kooxda Al-tunsa oo gashay kaalinta labaad.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta gobolka J/hoose Burhaan Max’uud Xasan (Kukuuyu) oo ugu horeyn hadal ka jeediyay munaasabadii maanta ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen tartarn kubadda cagta ah oo ay ku tartamayeen xaafadaha magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in ay maanta abaalmarinno gudoonsiin doonaan kooxaha kusoo baxay tartankan.

Mas’uulkan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan tartamada caynkan oo kale ah oo ay u qabanayaan xaafadaha magaalada, isagoo xusay in tartanka ay uga gon leeyihiin sidii loo dhiirigelin lahaa dhalinyaraa si ay uga qeybqaataan nabadda iyo horumarka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Goobta ayaa waxa sidoo kale hadallo u badnaa hambalyo iyo dhiiri gelin ka jeediyay dhamaan dadkii ka hadlay, kuwaasoo amaan u jeediyay xiriirka kubadda cagta gobolka Jubbada Hoose, oo ay sheegeen in uu si weyn u horumariyay isboortigii gobolka Jubbada Hoose.

Gabagabadii ayaa goobta koobab  iyo abaalmarinno kala duwan lagu gudoonsiiyay kooxaha Kanava iyo Al-tunsa, iyo weliba qaar kamid ah ciyaartooydii soo bandhigay ciyaar wanaagga mudadii uu socday tartanka.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta gobolka J/hoose loo doortay Burhaan Max’uud Xasan (Kukuuyu) waxaa horumar ballaaran laga dareemay isboortiga gobolka J/hoose, iyadoo dhalinyarada magaalada Kismaayo ay imika si weyn ugu mashquulsan yihiin Isboortiga, iyadoo xilliyadii galbihii ay aad u buuxdhaafaan xeebaha iyo garoomada waaweyn ee lagu cayaaro kubadda cagta, taasoo muujineeyso in dhalinyaro ay ku baraarugeen sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen tartamada kala duwan ee uu xiriirku u qabto kooxaha ka dhisan magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya