4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Daladaha Waxbarashada oo ka cabanaya Imtixaan lasoo bandhigay

Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Midowga Dalladaha Waxbarashada Dalka ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saaray warsaxaafadeed ay kaga cabanayaan imtixaan ay diyaarisay wasaarasdda waxbarashada xukuumadda Soomaailya.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

Markii dowladdii dhexe dhacday 1991-kii ee dagaaladii sokeeye dalka ka qarxeen, goobaha waxbarashadu waxay ahaayeen nugulka ugu darnaa ee ku wiiqmay qalab iyo dhisme ahaanba.

Intii ay damqeysay kana xanuunsaday masiibadii ku habsatay waxbarashada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen aqoonyahanno aan dhinacna uga bixin dalkooda lana noolaa dhammaan dhibkii ka dhacay dalka waxay goosteen in ay badbaadiyaan mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed kaasoo ay u arkeen in ay ubadku yihiin keydka kaliya ee u haray ummada Soomaaliyeed, iyagoo ku guuleystay soo celinta rajada in badan oo tabeysay inay mar’ uun arkaan carruur Soomaaliyeed oo xiran labiskii lagu yaqaanay ardayda oo dugsiyada u socta.

Bulshada Soomaaliyeed waxay marqaati ka tahay doorka shariifka ah ee ay dalladduhu kaga jiraan nabadgelyada, horumarka iyo isu-dumidda dadka iyo dalka Soomaaliyeed; iyagoo waxbarashada gaarsiiyay degmo iyo gobol, in aysan jirin degmo marka ay ugu yar tahay aan lahayn dugsi hoose/dhexe.         

Muddadii 20-ka sano ee dalladuhu shaqeynaayeen ayaa waxay ilaalinayeen mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed iyagoo helayey waxbarasho tayaysan, imtixaan cadaalad ah oo ay ardayda iyo bulshaduba ay ku kalsoonaayeen,  ilaalinta xaqa shahaadada siinta heerarka  kala duwan ee waxbarashada, deeqo waxbarashado oo heer walba isugu jira. Dalladuhu waxay ilaalinayeen tayada iyo heerarka (jaran-jarada) waxbarashada.

Dalladaha waxbarashada waxay talooyin mira-dhal ah siin jireen maamuladii kala duwanaa ee soo maray wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta, isla markaasna aysan dhicin wax kala duwanaasho ama iska-horimaad labada dhinac u dhexeeya wasaaradda iyo dalladaha waxbarashada, taasina waxay keentay in xiriirka iyo wada-shaweynta wasaaradda iyo dalladaha uu xoogeysto.

Laakiin hadda waxaa muuqata in kala fogaansho iyo kalsooni-darro ay soo kala dhex-gashay bahda waxbarashada ahliga iyo wasaaradda waxbarashada, taasoo ugu wacan in wasaaradda ay noqotay meel ay maamushaan xubno katirsan hal dalad isla markaasna aysan dalladaha kale talo ama go’aan midna ku lahayn.

Dhammaan xubnaha  gudigga sare ee dalladaha waxbarashada shir ay ku yeesheen  magaalada Muqdisho 20 /02 / 2014, laguna falanqeeyey arrimaha ku saabsan imtixaamka form 4-ka ee ay wasaaradu sheegtay inay qaadayso. Kaddib markii ay dalladuhu meelo badan ka eegeen waxay go’aan ku gaareen inaanay dugsiyadoodu ka qayb-geli karin imtixaamka sannad dugsiyeedka 2013/14 ee ay wasaaraddu qorsheysay sababahan hoos ku qoran awgood:

1. Wasaaradda oo intii ay dhisnayd ee hal sano iyo barka ahayd aanan soo gaarsiin xafiiska dalladaha haba yaraatee wax warqad ah oo ka hadlaya horumarinta waxbarashada iyo arrimaha wada-shaqayneed.

2. Iyadoo aanay wali caddeyn xaquuqda dugsiyada gaarka ah ay ku leeyihiin  wasaaradda 

3. Qaab-dhismeedka wasaaradda oo aan caddaalad ku dhisnayn oo hal dallad ku habsatay agaasinka wasaaradda.

4. Iyadoo imtixaamkani noqon karin mid dalka oo dhan wada gaara nabad-gelyada awgeed, maadaama dugsiyada dalladuhu ku baahsan yihiin dalka oo dhan oo ay hoos tagaan maamulo siyaasadahoodu kala duwan yihiin.

5. Muqararka oo wali dhameystirnayn aanan la isku raacsanayn lagana   samayn karin imtixaan mideysan ayna soo baxeen cillado badan oo u baahan in wax laga bedelo.

6. Jahwareer ka dhalan kara haddii dugsiyada dalladuhu ay galaan   imtixaano kala duwan

7. Iyadoo cashar laga bartay cadaalad darradii lagu sameeyay deeqihii  sannadkii tagay laga helay caalamka taasoo uu ka dambeeyey agaasimka  waxbarashada.

8. Hanjabaad iyo caga jugleyn joogto ah oo agaasinka waxbarashadu ku hayo dalladaha waxbarashada Soomaaliyeed.

Dalladaha Waxbarashada Soomaaliyeed (SEU), waxaa ku mideysan:

SAFE (Schools Association for Formal Education)
SOFE (Schools Organization  for Formal Education)
SEDA (Somali Ed. Development Association)
SOFEN (Somali  Formal Education Network)
SOFEL (Somali  Formal Education Link)
SOFPEN (Somali Formal Private Ed. Network)
GEN (Gedo Education Network)        
SONI (Somali Network Institute)
SNEFA (Somali Network Education For All)
MEU (Al-Ma’mun Education Umbrella)