4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Madaxweyne Xasan oo la kulmay Xildibaan ka socda UK iyo Safiirro


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamud ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda UK oo uu ka mid ahaa Tony Baldry oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK.

Kulanka waaxa goobjoog ka ahaa safiirada labada dal Neil Wigan iyo C/llaahi Simbaloolshe, madaxweynaha ayaa yiri: "UK waxaan uga mahadcelineynaa hormuudkooda wanaagsan."

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore uga mahad-celiyay mudanaha booqashada uu ku yimid Soomaaliya isagoo yiri: “Aad ayaan uga mahad-celinayaa booqashada xildhibaanka waa mid muujin doonta xirriirka dhow ee ka dhaxeeya labadda dowladood iyo labada shacab."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay wafdiga ka socday dowladda Ingiriiska xiriirka labada dal, isla markaana warbixin kooban ka siiyay xaaladda dalka iyo qorshayaasha ay dowladdu hiigsanayso sanooyinka soo socda.

"Dowladda Inagriiska waxay ka mid tahay dowladaha teegeerada la garab-taagan dowladda Somaaliyeed, waxayna diyaar la yihiin inay sii wadaan, aad ayuuna u sii xoogaysanayaa xirriirka nagala dhaxeeya dowladda Inagriiska,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labadda dowladdeed iyo sidii dowladda Ingriiska ay kaalin buuxda uga qaadan lahayd mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay juhdi xoog leh ku bixinayso xoojinta xirriirka ay la leedahay waddamada caalamka iyo xasilinta dalka.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya