4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Wafdi Wasiirro iyo Xildhibaanno isugu jiray oo oo Gaaray Baydhabo

Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Wafdi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay kulammo kula yeesheen ergooyin ay shirar uga socdaan Baydhabo.

Wafdigan oo ay hoggaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre iyo wasiirka gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo.

Xubnahan wasiirrada iyo xildhibaannada isugu jira ayaa dhageystay warbixin ku saabsan shirarka ka socda Baydhabo, waxayna intaas kaddib shir iriduhu u xiran yihiin la yeesheen ergooyinka ay shirarku uga socdaan Baydhabo.

Shirarkan ayaa waxay ka kala dheceen xarunta ADC-da Baydhabo iyo sidoo kale hoteelka Bakiin oo ay ka socdeen shirar iska soo horjeeda, mana jiraan wax warbixin ah oo kluammadan weli laga siiyay warbaahinta.

Ammaanka wafdigan ayaa waxaa sugaya ciidamada dowladda Soomaaliya ee Baydhabo ku sugan iyo kuwa AMISOM ee ka socda Baydhabo, waxaana lagu wadaa inay maalmo halkaas joogaan.

Wafdigan ayaa waxay xubnihiisu u badan yihiin kuwo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo dhawaanahan ay socdeen dadaallo ay ku doonaysay dowladda Soomaaliya in dhismaha maamul-goboleedyada la waafajiyo dastuurka dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya