4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Qaxooti Soomaaliyeed oo dalbaday in lagu celiyo dalkooda Somalia


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryo dhowr ah oo  ku yaalla dalka Yemen ayaa ka dalbaday dowladda wadankaasi in loo fududeeyo sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen dalkoodi hooyo ka dib dhibaatooyin soo food-saaray.

Tiro dhan 500- oo ruux oo qaxootigaas ka tirsan ayaa goor sii horeysay dib loogu soo celiyay  Soomaaliya, taasoo keentay in ay kororto dadka kale ee iyagana doonaya in ay dib ugu soo laabtaan gudaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah qaxootigaas ayaa ka codsday dowladda madaxweyne Xasan Sheekh in ay dowladda Yemen kala shaqayso sidii qoysaska wali ku sugan xeryahaas ay dib ula midoobi lahaayeen eheladoodi.

"In badan oo ka mid ah dadka halkan ku nool waxa ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan Somalia, maadaama sidii hore ay ka soo hagaagayso," ayay tiri Faadumo oo u waramayso Yemen Online oo dalkaas laga leeyahay.

Wadanka Yemen waxaa ku noool kumanaan qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaa oo qaarkood halkaa u qaxay markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya si ay naftooda ugu bad-baadiyaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]