4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Dood looga Hadlayay Waxay Diinta Islaamku ka qabto Is-Qarxinta


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay waxa ay diinta Islaamku ka qabto qofkii naftiisa dila ama ruux kale dila ayaa lagu qabtay maanta magaalada Muqdisho, qodobkaasoo ay si aad ah uga hadleen culummo Soomaaliyeed oo kulanka ka qaybgalay.

Doodda ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda wadahadalka bulshada, iyadoo ay kasoo qayb galeen culummaa'uddiin, odayaal iyo waxgarad ka socday bulshada.

Ugu horreyn waxaa doodda ka hadlay Sheekh C/qaadir Soomoow oo ka mid ah culummada Ahlusunna Waljamaaca , isagoo soo qaatay mas'alopyin kala duwan oo ku saabsan waxay diinta Islaamku ka qabto qofkii is dila ama ruux kale oo aan waxba galabsan dila, wuxuuna sheegay in diintu ay xaaraan-tinimeyneyso qof si xaqdarro ah lagu dilo.

"Diinta ammaano ayay naga saaran tahay haddaan nahay culummada, qofkii qof dila ama isaga ha is dilo, taas diinta islaamka waa caddeysay, marka ugu horreysa diinta kuuma ogola inaa naftaada goyso, haddaad naftaada disho, qofkalena disho, aakhiro waa lagugu qisaasayaa," ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sheekha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo baraarujin badan oo bulshada dhexdeeda, si looga hortago waxyaabaha aysan diintu qabin, gaar ahaan in qofka is-qarxiyo, si uu ummad dhan u laayo, taasoo uu xusay inay xaaraam tahay.

"Qofka is-qarxinaya oo dadka shacab ah laaya ee dhahaya janno ayaan ku galaynaa waa dad la qalda. Janno ma galeysid haddaad naftaada goyso oo aad dad kalena halligto, aakhiro waxaa lagu soo saarayaa sidaad isku dishay oo kale ayaa lagugu cadaabayaa," ayuu yiri Sheekhu hadlakiisa ku daray.

Waxaa kaloo ka hadlay dood-cilmiyeedka Sheekh Axmed Shuqul Sh. Aadan Dheere oo sheegay in dhibaatada ugu badan uu ku dhacayo dhallinyarada, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in dhallinyarada la badbaadiyo, si aan loogu adeegsan ama ficilo kale oo lasoo min-guuriyay loogu fushan.

"Dadka la qalday waxaa u badan dhallinyarada, 70% dalkan xooggooda waa dhallinyaro, dadka la adeegsanaya waa iyaga inxiraafka ugu badan ayaguu ku dhacayaa, hala badbaadiyo, hala sameeyo baraarujin badan oo dhallinta ku wajahan," ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Sheekh Muuse Cagaweyne oo ka mid ah culummadii dooddan hadalka ka jeediyay ayaa sheegay in saddex arrimood middood wax lagu dilo karo, taasoo uu xusay in marka hore ay tahay in maxkamad ay xukunto ama cadeyn dhab ah loo helo.

"Sababaha wax lagu dilo karo waa saddex arrimood oo diinta fasaxday, midda koowaad waa qofka Islaamka ka baxo oo riddo la yimaada waa la dili karaa, qofka guur xalaal soo maray haddan sino ku dhacay haddii cadeymo loo helo waa la dili karaa iyo qodobka kale oo ah waa qisaas qofkii dila qof kale kuna dila si xaq-darro ah," ayuu yiri Sheekh Cagaweyne.

Ugu dambeyn, waxaaa iyaguna doodda ka hadlay Sh. Aadan Macalin Sugow iyo  Sheekh Cumar Xerow oo labaduba k dheeraaday ka hadlalka diinta Islaamka iyo nabadgalyada, iyagoo ku boorriyay culummada inay la yimaadaan dadaallo dheeraad ah oo ay dhallinyarada ku wacyigelinayaan.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya