4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Burundi


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed oo xalay gaaray magaalada Kampala ee dalak Uganda ayaa la kulmay madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi, Gervais Rufyikiri. Labada Mas’uul ayaa ka hadlay sidii xiriir dhow iyo iskaashi ay u wadaagi lahaayeen.

Mudane C/weli ayaa ka warbixiyay kaalinta ciidanka AMISOM iyo horumarka ka muuqda dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burbur xooan. Wuxuuna sheegay inay u qorshaysan tahay in dhawaan ay ka guulaystaan kooxaha nabad-diidka ah.

“Burundi waxay qayb weyn ka qaadatay xasilloonida Soomaaliya, labada dal  waxay sii xoojinayaan xiriirka u dhexeeya, waxaana iska kaashan doonnaa dib u dhiska hay’adaha dawladda. Burundi waa dal soo maray dhibaatooyin dagaal, waxyaabo badan ayaan ka sheekaysanay oo ay ka mid tahay dhibkii dalkaas ka dhacay iyo sida ay hoggaamiyayaashu ugu guuleysteen in xal loo helo nabadda, korna loogu qaado isku xirka shacabka iyo dowladda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay horumarka ay Somalia ku tallaabsatay, dalka Burundi wuxuu gacan ka gaysan doonaa sidii Somalia ay uga dhalan lahayd xasillooni, dib-u-dhis loogu samayn lahaa hay’adaha dowladda iyo horumar laga gaaro dhanka adeegyada bulshada,” ayuu isna yiri Gervais Rufyikiri oo ah madaxweyn ku xigeenka Burundi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay soo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, wuxuuna maanta la kulmi doona madaxweynaha dalkaas, Yuweri Museveni iyo mas’uuliyiinta kale ee Uganda oo ay ka wadahadlayaan xoojinta danaha ka dhexeeya labada dawladood.

Mudane C/weli Sheekh ayaa safar kusoo maray dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya oo ay dhammaantood ciidammo ka joogaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale booqan doona dalka Burundi.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya