4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Qaramada Midoobay oo Abaalmarinno siisay Afar Wariye (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Qaramadda midoobay  oo kaashanaysa ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, ayaa abaalmarino siisay afar wariye oo ku guulaystay tartan ay  u qabteen sufuxiyiinta Somaliland.

Suxufiyiintan ayaa  abaalmarinada ku helay barmaaijyo ay ka diyaariyeen Xog baadhista saxaafadda (Investigate journalism), xuquuqal insaanka, dhalinyaradda iyo arrimaha bulshadda.

Afartan wariye oo qayb ka ahaa Abaal marinta Qaramada midoobay bixisay ayaa munaasibad balaadhan oo ay Ururka Suxufiyiinta SOLJA soo qaban qaabisay lagu guddoonsiiyey Abaal marinahay mutaysteen oo isugu jiray Laptop iyo Record casri ah, waxaana ka soo qaybgalay wasiiradda warfaafinta iyo shaqadda iyo arrimaha bulshadda, gudoomiyaha xisbiga UCID, WADANI iyo ururadda bulshadda.

Sidoo kale, waxa iyaguna munaasibadda ka soo qaybgalay saraakiil ka socda hay’adda UNDP ee barnaamijkan isku soo duba riday, isla markaana gudoonsiinaysay wariyeyaasha ku guulaystay.

Is-duwadaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, ayaa abaalmarinno guddoonsiiyey afar weriye oo ka kala tirsan hay’adaha warbaahinta, kuwaas oo ku guulaystay tartan qoraal ah oo la xidhiidha arrimaha bulshada.

Isu-duwaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland Mr. Gavin Roy ayaa ku hambalyeeyey suxufiyiinta abaalmarinta la siiyey guusha ay ka gaadheen tartankii ay ka qaybgaleen oo uu sheegay inay qiimeeyeen khubaro ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo weriyayaasha aan guulaysana ugu baaqay in aanay niyad-jebin ee ay u diyaargaroobaan tartamo kale oo ay ku dhiirigelin doonaan saxaafadda Somaliland.

“Suxufiyiintu sannadihii la soo dhaafay waxay muujiyeen dedaal wax-ku-ool ah oo ay ku soo bandhigeen arrimaha bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed ee dalka ka jira. Qaramada Midoobay waxa ka go’an dhisidda warbaahin xooggan, firfircoon oo masuul ah, taas oo ka shaqaysa danta dadka Soomaalida ah,” ayuu yidhi xidhiidhiyaha bani’aadanimadda qaramadda midoobay Lazzarini.

Wariyayaasha la guddoonsiiyay abaal-marinaha ayaa kala ah: Barkhad-Ladiif Maxamed Cumar wariyaha HOL ee Hargeysa, Naasir Maxamed Cabdiaahi, Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale iyo Khadar Maxamed.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cismaan Fadal oo ka tirsan madaxda Wadani iyo wasiiradda Warfaafinta, Arrimaha Bulshada iyo shaqada, Daladda Nagaad iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta SOLJA oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday doorka Saxaafaddu ku leedahay arrimaha Bulshada, waxaanay dhamaantood ku booriyeen in ay iska xil saaraan warar tabinta iyo Horumarka Dalka.

Sidoo kale,  munaasibad sidan oo kale waxa ay ka kala dhacay Garoowe iyo Muqdisho oo wariyeyaal ku guulaystay abaalmarinta la gudoonsiiyey abaalmarino.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland