4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Howlgallo ka socda Kismaayo iyo dad siyaabo kala duwan loo dilay

Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Kismaayo, kaddib howlgallo ay maanta gudaha magaaladaas ka sameeyeen ciidamada amniga maamulka KMG ah ee Jubba. iyadoo dadkan qaarkood si bareer ah loo toogtay.

Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii xalay lagu dilay gudaha degmadaas taliyihii nabadsugidda Jubbooyinka,  Ciise Kambooni kaasoo uu dilay ruux ka soo goostay Al-shabaab.

Dad badan ayaa la sheegay in lagu qabqabtay howllgallada, iyadoo rasaas ay ciidamadu fureen ay ku dhinteen shan qof oo shacab ah, halka laba qof oo kalena ay toogasho ku dileen ciidamada maamulka, kuwaasoo looga shakiyay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in howlgalladu ay saameyn xooggan ku yeesheen howlaha ganacsiga Kismaayo, iyagoo intaas ku daray in lagu arkayo magaalada ciidammo fara badan oo kuwa maamulka ka tirsan.

“Dadka dhintay tiradooda waa toddoba qof, kuwaasoo qaarkood si bareera ah loo toogtay markii looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo kuwo ay ku dhacday rasaas ay ciidamadu rideen,” ayuu yiri wariye ku sugan Kismaayo oo warbaahinta Xamar la hadlay.

Sidoo kale saraakiil u hadlay maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay inay faahfaahin ka bixin doonaan marka ay howlgalladu soo dhammaadaan, isla markaana dadka lagu qabqabtay lasoo saari doono maxkamad.

Ugu dambeyn, saraakiisha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay inaan mar dambe la aamini doonin xubnaha kasoo goosta Al-sbabaab ee kusoo biira maamulkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya