4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo la kulmay dhiggiisa Iiraan


Isniin, Feberaayo 17, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa magaalada Tehran ee xarunta dalka Iiraan kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas, Cali Laarajaani waxayna ka wada hadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Somalia iyo Iiraan.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka dalka Iiraan oo ku yaalla magaalada Tehran ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno ka kala socday baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Danjire Khaliif Kadiye Muuse waxaana kulanka uu qaatay muddo hal saac ku dhow.

Ugu horreyn, guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, Larijani oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa aad u ammaanay hormarrada uu baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku tallaabsaday, gaar ahaan sida uu hormuudka uga ahaa isbedelka siyasaadeed ee hadda ka jira Soomaaliya; wuxuuna ballan-qaaday inay baarlamaan ahaan garab taagan yihiin baarlamaanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN

Mudane Jawaari oo kulanka markii uu soo gabagaboobay kaddib faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wadahadleen inay muhiim u ahayd sidii ay u yeelan lahaayeen labada baarlamaan wada-shaqeyn joogto ah iyo sidii uu baarlamaanka Iiraan uga taageeri lahaa baarlamaanka Soomaaliya tayeynta howlaha baarlamaanka, aqoon kororsi iyo qibrad is-weydaarsi dhex-marta labada baarlamaan, taageerro dhinaca caafimaadka ah iyo tababarro la siiyo shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya, taasoo uu xusay in uu ballan-qaaday Cali Larijaani.

Intii uu kulanku socday, wuxuu Jawaari casuumad u fidiyay dhiggiisa dalka Iiran taasoo ku saabsan inuu yimaado Muqdisho, taasoo uu aqbalay Cali Laarajaani.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah hormarrada guud ee uu baarlamaanka Somalia muddooyinkii ugu dambeeyay ka sameeyay iskaashiyada uu baarlamaanka Soomaaliya la yeelanayay baarlamaannada caalamka.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu saacadaha soo socda Tehran kula kulmi doonaa guddoomiyayaasha baarlamaannada qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo iyagu Tehran u yimid ka qaybgalka shir-weynaha sagaalaad ee baarlamaannada ururka iskaashiga Islaamka ee OIC.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya