4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Mas'uul ka Tirsan Maamulka G/Banaadir oo ka Bad-baaday Qarax

Isniin, Febaraayo 17, 2014 (HOL) — Mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka bad-baaday waxyaabaha qarxa oo loogu xiray gaarigiisa, iyadoo ciidanka booliiska Somalia iyo kuwa miino-baarista ay ku guuleysteen inay qarxiyeen waxyaabahaas lagu xiray gaariga mas'uulkan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen in waxyaabaha ay gaariga ku xireen ay qarxiyaan marka uu gaarigu gudaha u galo xarunta maamulka gobolka Banaadir.

"Howlwadeen ka tirsan waaxda maaliyadda maamulka gobolka ayaa watay gaariga, miino ayaa loogu xiray balse markii uu arkay ayuu ka dagay, waxayna Al-Shabaab doonaysay inay qarxiso gaariga marka uu galo xarunta maamulka gobolka," ayuu afhayeenku u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas ku daray in mas'uulka gaarisiiga lagu xiray qarxa lagu magacaabo Ismaaciil, isagoo tilmaamay in markii uu arkay qaraxa ku xiran gaarigiisa uu ku wargeliyay ciidanka booliska iyo kuwa miino-baarista u tababaran, kuwaasoo ku guuleystay inay si fudud u qarxiyaan.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaadkii hore qarax loogu xiray gaarigiisa guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Shabeellada Hoose uu kula qarxay Muqdisho, isagoo markii dambe u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxaas.

Sidoo kale, sannadkii hore ayaa waxaa isagana lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo maalmahan dambe ay Muqdisho kusoo kordhayeen qaraxyada lagu xiro gaadiidka ay leeyihiin mas'uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay qaraxa lagu xiray gaariga mas'uulka ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, taasoo uu ka badbaaday, marka laga reebo eedeynta afhayeenka maamulka gobolka Banaadir uu ku eedeeyay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya