4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Madaxweynaha Puntland oo la Kulmay Madaxa JPLG (SAWIRRO)


Isniin, Febaraayo 17, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka oo Isniin ah kulan isbarasho ah la qaatay madaxa mashruuca JPLG Soomaaliya, Patrick Doung.

Mashruuca JPLG ayaa Puntland ka shaqeynayay tan iyo sannadkii 2008-dii, iyadoo mashruucan uu qaabilsan yahay horumarinta degmooyinka iyo baahinta maamul-wanaagga.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar ayaa kala qayb-galay madaxweynaha kulanka, waxaana goob-joog ka ahaa saraakiisha madaxtooyada iyo hawl-wadeennada mashruucan.

Kulanka ayuu wuxuu hordhac u yahay shir ballaaran oo berri ka dhici doona magaalada Garoowe, kaasoo looga tashanayo dib u furidda mashruucan iyo dar-dar-gelintiisa. Wuxuuna Madaxweyne Gaas u gudbiyay saraakiisha JPLG baahida loo qabo in dhaqso loo hawlgalo.

"Waxaan u ballan-qaadnay bulshada Puntland ku nool inaan baahinno oo tayayno maamul-wanaagga, si loo gaaro arrintaas waa in degmooyinka hadda uu ka shaqeeyo la horumariyaa lana gaarsiiyaa deegaannada ka baxsan laamiga Puntland,’’ ayuu yiri madaxweyne Gaas.



Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya