4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Ciidamada Itoobiya ah oo dhaqdhaqaaq ka billaabay Gobolka Bakool

Sabti, Febaraayo 15, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billaabay gobolka Bakool, kuwaasoo la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada ay Al-shabaab gacanta uga hayso gobolkaas.

Wararka ayaa sheegaya in ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka tallaabayeen xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo galayay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo soohdinta ku teedsan.

Sidoo kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmada Xudur, balse ma jirto cid si dhab ah arrintan u xaqiijinayso, marka laga reebo warar laga helayo dadka degmadaas ku nool oo warbaahinta qaarkood la hadlay.

"Waxaan aragnay ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo aad u badan, kuwaasoo ku gaaf-wareegaya degmada Ceelbarde," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Ceelbarde ee gobolka Gedo oo ah degmada keliya ee ciidamada dowalddu ay kaga sugnaayeen gobolka Bakool.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo ciidammo badan oo Itoobiyaan ah ay maalmaha gudaha u galayeen deegaanno ka tirsan gobollada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyiinta dalkaas ay sheegeen in qorshahoodu yahay inay la dagaalamaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya