4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
Sh. Cali Dheere "Waan wadaynaa Weerarada ka dhanka ah hay'adaha"

Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isagoo ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray hay'adaha beesha caalamka.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii shalay uu fuliyay mid ka mid ah guutooyinkooda qaraxyada, isagoo sheegay inay khasaare kala duwan gaarsiiyeen gaadiid ay Qaramada Midoobay leedahay.

"Hay'adaha caalamka ee ku sugan meel walba waan ku beegsanaynaa, haddii aysan ka bixin Soomaaliya," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo xusay in howlgalladooda ay sii xoojin doonaan.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayuu ku eedeeyay inay ciidamada Itoobiya u sharciyeeyeen inay ka mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in lix dowladood oo Afrikaan ah ay dagaal kula jiraan, isla markaana howlgalkooda fashilmay, wuxuu ku goodiyay inay sii laba jibaari doonaan dagaalka ka dhanka ah ee ay kula jiraan wuxuu ugu yeeray cadawga.

Xarakada Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay inay ka dambeeysay weerar lagu qaaday xarumo kala duwan oo ay ka mid ahayd xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen shaqaale ka tirsan UNDP.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya