4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2014
Ciidanka Dowladda oo Howlgallo ka sameeyay Magaalada Muqdisho

Arbaco, Febaraayo 12, 2014 (HOL) — Howlgallo ay ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ka sameeyeen maanta degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ayay ku qabqabteen boqolaal qof oo dhallinyaro u badan.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaanno ku sameeyay xaafado ay ka mid tahay Juungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, halkaasoo ay ka qab-qabteen tiro dhallinyaro ah oo ay ku jireen arday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay saakay aroortii hore isku ballaariyeen xaafadaha degmada Yaaqshiid, iyagoo xusay inay dadka kala baxayeen guryaha.

"Boqollaal qof ayaa la qabqabtay, waxaa ku jiray dhallinyaro iskuullo u kallahayai yo macallimiin, dadkii oo dhanna waxaa loo kexeeyay saldhigyada ciidamada," ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, goobjooge kale oo ku sugan degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ciidamadu ay dhallinyaro badan ka qabteen xaafadaha degmada.

Hay'adaha ammaanka dowladda ayaan ka hadlin howgallada ay dadka ku qabqabteen ee maanta ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Tallaabadan howlgallada ay ku sameeyeen ciidamada dowladda ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed iyo wasiirka Amnigu ay sheegeen in howlgallo lagu adkeynayo ammaanka laga billaabay Muqdisho.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay mas'uuliyadda falal ammaan-darro oo ka dhacay degmooyinka Muqdisho qaarkood, iyadoo howlgalladan ay imaanayaan xilli xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid madaxii caafimaadka ee degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya