4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
BOOSAASO: maxkamadda ciidamada oo xukuntay eedeysaneyaal
Talaado, Federaayo, 11, 2014 (HOL) -Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland -laanteeda gobollada Bari, Sanaag, Karkaar iyo Gardafuuy- ayaa maanta xukunno kala duwan  ku riddey 3 nin oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda C/fataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay in cadeyn iyo markhaanti kaddib saddexda eedeysane loo kala xukumay sidan:

1-C/raxmaan Muuse Cismaan - xabsi daa'im.
2-C/xakiim Cabdulaahi Xundul - xarig toban sano ah.
3-C/xakiim Cumar Gudduudow - xarig shan sano ah.

Eedeysane afraad oo lagu magacaabo Aweys Buule Saadiq ayey dib maxkamaddu xoriyaddiisa ugu soo celisey kaddib markii dembiga loo haysto wax cadeyn ah loo waayey.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay in ragga la xukumay ay haystaan muddo 30 cisho ah, xilligaas oo fursad loo siinayo in xukunka ku dhacay ay racfaan kaga qaataan.

Sanadkii hore [2013] ku dhowaad 40 qof ayey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland waxay ku riddey xukunno isugu jirey dil, xabsi daam'im iyo toogasho, dadkaas oo qaarkood dil toogasho ah lagu fuliyey.

Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay maxkamaddu riddo sanadkan bilowga ah ee 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya